Thursday, December 3, 2015

GACAN QAADKII-GAROONKA GAALKACYO MAQUMANAYN

innaa lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun, waxaan ka tacsi yadaynayaa Geeridii foosha xumeed ee ka dhacaday Gaalkacyo maanta, ee ku timid Dadka Soomaaliyeed.
waxa maanata iyo horayba oga dhacay Gaalkacyo, waxay ahaayeen wax laga xumaado sidayrabaan haku yimaadeen ama haku dheceen, waxaanan ku tilmaamayaa dib usocod nimo, Dagaalka Gaalkacyo maanta ka dhacday wuxuu ahaa dhacdo xun oo muujinaysa rajo yari.

waxaan ugu baaqayaa shicibka Punntland iyo shicibka GalMudug inta imaqlaysa inay Nabbadda gacan siiyaan, fahmaanna danaha yaryar ee laga leeyahay waxa loogu yeeray hormarinta Wadooyin ka, oo ay dabada ka riixayaan Wiilasha aad ka udhiiran ee aysan umuuqan dhiiga daadanaya.












sida aan ka war qabno Dagaalka Gaalkacyo ka socda waxaa lala xiriiriyaa curashadii maamulka GalMudug, majirin wax colaadaa oo Gaalkacyo ka jiray wixii ka horeeyay  tani iyo xiligii maamulkaas ladhisay, Puntland-na waxay sheegtay dhankeeda inaysan ogo layn maamulkaas sababtay rabaanba ha ku diideene.

lababdda maamul waxaa ka dhex dhalatay dhiillo ku aadan waddo aan awal loobaahnay lkn hadda loo baahday gaartayna Gacan ka haddal, madhahayo anugu dhiiladaan waxay salka ku haysa sida laga yeelayo masiirka Gaalkacyo, kicinta Dagaalka cid waliba waxay ku eeday naysaa cidda kale inay ayadu  waddo,

waxaa ka hadlay dhacdadii ugu dambaysay, siyaasiyiin heer waziira ah, waxayna ku hadleen warar is khilaafsan oo sida muuqata mid been yahay, oo mar kaad maqasho aad isleedahay Beenta miyaa Siyaasadda, mise Siyaasaddaa Been ah, xaqiiqada alle ayaa og.

waxa kaliya oo loobaahan yahay waa heshiis nabadeed oo waara sidii horay Gaalkacyo oga jirtay oo lugu wada degenaa, sidii heshiiskii cabdulaahi yuusu iyo caydiid saxii xeen, Reer Gaalkacyo waa Dad isdhalay wada dhashtay, Federaal kuna sida muuqata Fid nuu ukeenay Dalka dhanna sidaa buu fidno ugu sababi karaa waayo waa wax aanaan garanay barshadiisuna waxay ubaahan tahay shuruudo bisayl iyo waqti, intiiba majiraan, waxaan ku tirin doonaa dhibaa tooyinkii wadan ka soomaray mid ka mida.


waxaan ku riyi bixin lahaa hala raadiyo hana laga qayb qaato Nabad iyo wadda noo laashiyo iyada ayaa cid kasta dani ugu jirtaa.





Monday, November 30, 2015

HANBALYO AROOS



waxaan halkaan hanbalyo agodirayaa sxb keey Ilyaas sh, Axmed, oo aqal gal kiisu uu ka dhacay Magaalada caasumaddaaye Muqdisho maalinkii Jumcada ahaa, waxaan leeyahay Ilyaas han balyo-hanbalylo,  Allena hakuu fududeeyo hawsha xajmiga wayn ee aad dusha uridatay runtiina waxay aheed go'aan aad uwanaagsan, ahna tiloobo aad horay uqaaday.



Ilyaas Sh, Axmed waxaan isla soo qaadanay waqti aad udheer, waxaan ku aqaanaa inuuyahay Nin karti badan leh, lehna Tarbiyad ku filan, wuxuuna kusoo dhex koray Reer aad iyo aad uwanaagsan,
Ilyaas waqtiyada qaar ayaan sheekaysan jirnay waxaan ka dheehan karay hadda ladiisa inuu lahaa hiigsi aad ufog, iyo ku kalsoonaanta Naftiisa, maahayn Nin hareer mara Haddal ka meesha uu kaleeyahay,

Ilyaas sh. Axmed waxaan u rajaynayaa in alle uuku deeqo awlaad baari ah, 
ku waasoo an faca Aakhiro iyo Aduunba.