Thursday, June 9, 2016

WALIGAA SHIL XAMAR MAKU GASHAYAY

                              WAXAAN SHILGAY 02/01/2016



Muqdisho inta badan waxaa ka dhaca. shilal ay ka mid yihiin Baabuur isku dhacda. Dab kaca. ama in Qofka xabadi ku dhacdo. intaba alle hanaga hayee.
burburkii Soomaaliya waxuu saameeyay meelo badan. Dhisma yaasha kaliya maahan waxaa xitaa dumay quluubta Bulshada. Wuxuuna u ekaysiiyay Bulshadii Soomaaliyeed. Kuwo aan diirin.
Haddii qof shil agtaada ku galo. waxaa muqadas ah. inaad caawin to. haddii Muslimiin layahayna ku maba siijirto. caawinaadda waxaan kala jeedaa in qof  ka loo qayla dhaandiro, Isbitaal lageeyo. in haddii uusan tabar lahayn tabar lasiiyo sida haddiiba Darbi, Gaari, ama wax kale ku fadhiyaan laga kiciyo. haddii wax ka dayacmaan sida Taleefan IWLM. Looxafido. amaba haddii xabadi ku dhacday, si degdeg ah Dhiig joojin loogeeyo. waxaa lagayaabaa inuu Amabalaas ubaahan yahay loowoco. waa wax yaabahaas waxay bad baado unoqon karaan Nafta qof  Binu aadam ah. 
is caawintu waa qaabab ka Bulsho ku gaarto isku duubnida iyo midawga aad maqasheen Soomaaliyeen lahadlayaa.


Dad ka dhibtu waxay usoo gaartaa qaabab kala duwan waxaa ka mida Gaadiid, isku dhaca Xabbad, Dab meel ka kaca, iyo IWLM,  Dhibab kaan  aan horay usoo sheegay aan kala qaado.  mid cidi isuguma timaad caawinaaddiisa. midna sicaga jiida ayaad ku heli caawinaad. midna waalagaa caawin si hagar la’aaneed, markii Xamar lajoogo ayaan ka hadlayaa.

caawinaadda hagar la'aaneed.
haddii Dab uu kaco waxaa laysu caawiyaa si degdeg ah.wuxuuna helaa ciddii ay ku timaad. waxaa caawinaya inta samaha jecel oolugu daray dariska oo ka baqanaya in dhibtu oo gaarto. dhamaantood oo wadi jira waxay niyada ku hayan in uusan Dabku waxba hanbayn. waxay ku siiyaan daddaal intii karaan ah, oo lakari karo.
 

 laysugama yimaadaan ka
Midka aan laysugu imaan waa midka haddii xabdi kugu dhacdo alle hanaga duwee. waxaa lugula sugayaa Eheladaada muddo kasta haqaadato imaan sha hoodu. waa lagayaabaa haddii qaabtac shiirada ay udhac in ay arintu ka duwnaato sida aan sheegayo. lkn mabadna. waxaan meesha ka marayn in Bulshadu kala shaki ka dhexjiro.

caawinaadda caga jiidkaa
midka sida Caga jiidkaa luguu caawinayana aan ku tilmaamay. waa midka haddii 
shil Gaari kugu yimaad Alle hanaga hayyee. kaas waxaa keenaya insi caga jiida luguu caawiyo. waxaan isku aamin qabin bulshada waxaa madaxa lugu wada hayaa dhacdooyin horay loosoo maray. waxaa lagayaabaa in qofka wax caawinayay dib wax ugu soo laabtaan sida nugu raadi ciddii dhibta u gaysatay. waxbaa maqan ee maaragtay.
 
waxaa dhacda ayaduna in qofkii dhibtu isda aan kaska ahayn oga dhacday. go'aan qaldan qaato sida inuu ka cararo meesha. taasoo lagayaabo inay wax kale dhasho. inuu inkiro kama hadlayo ayada.

waxaa dhanka kale jira Tiro yar oo Dad ah. oo laga yaabo inay lugooyaan dhibanaha. sida inay boobaan.


gunaanad kii:
waxa kaliya oo aad ku fikirtaa. markaad aqrisato qorma daydaan. inaadan yaraysan dad daalka ku aadan. sidii aad caawinaad degdeg ah oga heli laheed eheladaada. taasoo ku imaan karta. inaad markasta. oo aad meel ubaxaysid in ay jirto cid kaa war qabta. halka aad ubaxaysid. si haddii umaqlo halkaas ayaa dhibi ka dhacday, durba dareen ugu dhasho. qof kaas, ah armay hebel/hebla wax gaareen.
isla markaa hddii xariir kaaga lawaayo waxaa lasoo adi karaa halkii wax ka dheceen iyo Isbitaal kii lageeyo Dadkii wax gaareen.

AFAR ERAY OO AF-QALAADA IYO NUXURKA FIKIRKAAGA

Dhaqanku waa calaamada. Umadaha lugukala garto. waana astaanta jiritaanka Umadkasta.

waxaan leenahay Dhaqan suurta galiya Nolol qiimibadan, leh taariikh wanaagsan iyo sooyaal 
Dhaqan keena waxaa kamida Xooladhaqashada. Afsoomaaligu waa luqaddeena. Cunto caafimaad badan waanleenahay. dhamaantoodna waa muqdas inaan baranaa haddaan doonayno inaan ilaalino jirtaankeena.
Luqaduunu waxayku dayacantahay Baraha Bulshada. halkaas waxaa ka muuqda inaanahay iskuma taliyayaal, iskuma tashayadayaal, aan isla tashan rabin inaanahay. waayo Luqadda qof kastaa wuu ugafayaa. qofku ceebinay, kacelinayaa majirto.
si aan udhawrno dhaqan keena una ilaalino. waa inaan ka hortagnaa burburinta lugu hayo luqadeena Soomaaliyeed.  yaanaan ku lalabin luqado qalaad. gaar ahaan markaan sheekaysanayno, ama aan isticmaalayno baraha Bulshada. Baraha Bulshadu waa halka ugu muhimsan  waxay ka gudbaan 
Qaaradda.
markaan rabno inaan firkir wadaagno. haddaan isticmaalno "afar Eray oo Afqalaad ah". waxaa lagayaaba in nuxurkii fikirkaaga oo faa iido noolahaa nahareer maro. adoo kusoo dhibtooday helitaanka Ereyadaas.
waxaad heli kartaa oo Alle nugu manaystay wabiyaal Ereyo facwayn ah.  sifududna aad ku soohelikarto.
dhaabe
u isticmaalin bartaada Bulshada ilkamida ilaha kobciya/faafiya dhaqan keena Soomaaliyeed. haka dhigin. illugula diriro dhaqanka Soomaaliyeed. ilaalinta Dhaqan kaagu waa xaqiijinta jiritaan keena.
soodhiga baraha Bulshada adinkoo ku labisan. dharka Hidaha Dhaqanka Soomaaliyeed.
geel aroora
 anakoo Geel lajoogna Burdhaabena cunayna, oo Caano dhamayna. islama markaasna Luqadeena ku larayna  hadaan soodhigno waxay gaaraysaa meel ka baxsan qaarada.
madiidani  in lahorumaro ee waxaan diidaynahay. in horumar lamoodo adoo weerar cad ku haya jiritaan keenaa. sidadbana luqadaada ubaabi'inaya. ayadoo awalba dayacneed oo halka ay ku kaydsan tahay aytahay Carabkeena ookaliya.
Qormadayda cidna ulama jeedo yaan laqooran oo yaan lugu imaan wadayday ku joogto.