Sunday, August 28, 2016

MASAAJIDDU ISKUMA DUWNA



magaaladda Muqdisho Masaajiddu janbi-yaday is ku hayaan, Alle ayaa ku mahad san maahan wax aan ku gaarnay awood teen ah.
maanta waxaa igu dhacay Cassirkii aan ka soo booday Hurdo aan cabaar ku jiray, anoo  niyadda ku haya inaan daahsanahay, sidaas darteedna ay tahay inaan, u dhaqsado jameecadda, shaatiga sifiican u ma aanan xiran, oo kiyaalaan gacanta ku sii qab saday. banaanka markaan is taagay weesadiina aan bilaabay, wadaad Duca qabaa Ajarbadan alle hasiiyee ayaa #Addin ku dhiftay, waxaa ii soo baxday wixii aan niyadda ku hayay wax ka duwan oo ah, in aanan daahsanayn oo aan waqti kaan filayay ka badan aan haysto. qalabkii aan kursi saarto, hawl aanan markii hore qorsha iigu jirin aan galo, markii taladu gacan tayda ka baxday oo aan taaganahay meel  laga dhaqsan karin, Masjidkaan aadi lahaa halaga #Aqimo.
haddaanan Adinka wadaad ka maqli layn Faaja-faajood magaleen, #Jameecaduna ima dhaafteen sida ku tala gal kaygu ahaa tii Alle waagooniye. markaan Masjidkii iridda ka galay Ayaala #salaamo_naqsaday, salaadii kaligaa tuko ahaa, waxaanse ka xiran waayay xusuusta wadaadkii #Adinka iiyeershay.
waddamada Muslimiintaa oo uu san Dalkaygu ku jirin, marqura ayaala #adimaa_laaqimaa_lanasuxuurtaa.
in waddaad kastaa markuu hurdada ka kaco masjidkuu furuhiisa hayo horay u sooqaato, wixii burburku sababay aan ku darno.
Masaajiddu waxay u adeegayaan hal Dad(muslim) hal Hadaf, lama dhihin cid walbaa markay rabto ha tukato, ee waxaa layiri waxaa loogu jecayl badan yahay alle agtiisa(SWT) Salaad waqtigeeda socota, hadana maanan arkin masuuliyiinta labo Masaa jid oo ka xaajoo naya waqti salaadeed keenna aan midayno. arin taani waxay i xusuusisay xadiis Nabiga NNKH laga wariyay ee nalaku amrayay in Sedexdii is raacdaaba ay samaystaan, maamul, iyo muhiimadda Dawlad nimo.
Mar waxaan is iri Ummadda Soomaaliyeed waa hubaal inay is ku dan yihiine, side looga gadi karaa waqti intee la’eg ayaysa qaadan doontaa in laga gado inay  is ku danyihiin
Aduun ka aan maanta googno Dalka tusaale loosoo qaato markii qof ku waydiisto Dal Dadkiisu 100% Muslim yihiin waa Dalkayga Soomaaliyeed, Aduunka aan maanto joogno waxaa Dlala badan Dadkoodu ku  ducaystaan in sida Soomaaliyoo kale 100% muslim alle ka dhigo, waxaa loo baahan yahay in aan muujino masawir wanaagsan waayo Dad ayaan u nahay ku dayasho, is khilaaf ka xad dhaafkaana aan maarayno.
Aan ducaysanno in u muu raha Alle sahlo, quluubteenana ay isku dhawaa daan.

Monday, August 1, 2016

DANGUUD MARKAY DHEGTAADU MAQASHO DHANKAY MASKAX DAADU AADAA



Badi dhalinyarta Soomaaliyeed marka ay maqlaan Danguud, Maskaxdoodu si cad uma sawirato macnaha wayn ee loola jeedo,  qaab aan ruuxi ahayn ee iska yeel yeel ah, ayay Maskadoodu waxay uxusuusataa Wadooyinka iyo Ilaalinta Naddaafadda maxaa wacay Ficil ahaan umay arag.
Halka Bulshooyinka kale lagayaabo in ay harraaddo Maskax doodu sida, xusuusba xusuuskale ugu gudbi nayso. Isbitaaladda, ayra-booradda, Dekedaha, Naddaafadda, Iskuuladda, Jaamacaddaha, Wad-dooyinka, bixinta wixii intaas aan soo sheegay lugu joogtayn lahaa IWML.

WAD-DOOYINKA IYO NADDAAFADDA

Wad-dooyinka waxaan ka samaynay hormar yar. markii horaba waan unaqaanay inay ka mid yihiin waxayaabaha danta guuda, oo uma aanaan baahanyn in nalaku baraarujiyo. Waxaa jira saadaal wacan dhankaas. Waxay tusinaysaa inaan wax qabsan karno.
Naddaafaddu waxay ka mid aheed wax yaabaha aan u naqaano Danguud. Waxbartoodna wan ku kordhinay  yaysanba waynaane. Ugu yaraan shaaricyada waan ka ilaalinaaa.

ISBITAALADDA, AYRA-BOORADA IYO DEKEDAHA

Ayra-boorada iyo Dekedaha uma aragno umana naqaano Danguud marxalada ay ku jiraan hadda darteed. Dadka uma dhexeeyaan Dadgaara ayay xigaan saas ayaa laga aamin san yahay. Laakiin qofkii caqli saliim ah leh wuxuu garanayaa inay noodhexeeyaan.  Wax kasta oo dalka lugu hayo Dantaguud way ku yartahay.
Qofkii Isbitaal iyo Tamajare isku meel ah furtaa Danbiile maahan(waala kala dheereeyaa)  waa ganacsade dawr muhim ah Dalka u ciyaaraya.  Maahan inaan dhanka xun kaliya wax ka arko ee Dalku waxa uu ka dumay Daaraha kaliya maahan waxaa dumay quluubta Dadka waxaan waa wax aan layska indha tiri karin. Dhisitaan ka daaraha ladhisayo waxaa ka horeeya in ladhiso quluubta Da’a yarta  ayakaa dhisaya Daaraha.




ISKUULADA IYO JAAMACADDAHA

Wax walba sida aad u barato ayaad u taqaanaa, Iskuulada iyo Jaamacadaha waxaan ku wada baranay Dangaara maanaan arkin aya koo danguud ah.
Iskuulo iyo Jaamacado: waa ilaha laga waardiyeeyo sii jiritaanka umaddeed suurta geliyana in Da’a yartu sifiican u korto, beerdarada ka ilaaliya.
Waxaa jira mahad sanayaal farabadan ee is xil-qaamay oo hir geliyay goobo wax barasho. yaysanba lahaan hanaan ay raacaan.
Hanaan ama Manhaj waa waxa wax lugu miisaamo wuxuuna ka turjumayaa isku keenidda iyo hagidda Dhalinyarada.  Da’a yartu waxay dhex dabaashaan Cilmi ay ka buuxaan Fikiro Reer galbeed iyo Reer Bari.
Da’ayartu waxaa ku waajiba inay is kaashadaan si ay udhaafaan dhibaatooyinka jira inay san sugin cid aan lagaranayn. Gaar ahaan ku wa loojeedo inay caawiyaan ku wa aan loojeedin. Ku wa loojeedo waxaan kala jeedaa ku wa awoodda u leh inay yimaadaan goobaha masiirkeena lugu lafo gurayo iyo ku wa ka shaqeeya warbaahinta.
Dhalin yarada ka shaqaysa warbaahinta waxay haystaan fursad ay ugu hiiliyaan Da’ayarta aan loojeedin, aya koo qabanaya mowduucyo wax tar uleh Dhalinyarta, waxaan ka aqaanaa oo ka mida Abdirisak Atosh, Cawli Daahir salad, Farxaan Jumcaale,. Waxaan u mahdcelinayaa Dhalin yarta isku hawshay Barnaamij ka lamagac baxay Jiilkaan caymi  Jiilka soo socdana badbaadi.
Dalkaygu wuxuu beer daraynayaa Da’ayarta sidii Gaari shidaalka beer daraynayoo kale waa wixii uu ku soconayay. Dalkayguna waa saas oo kale. Da’ayartii waxay u qaybsameen ku wo Baddu liqday iyo ku wo Dalka gudihiisa Galeey dhacday loogu keenay. Waxa ay yihiin iyo waxa ay ka dhigan yihiin waxaa ka qariyay Qabyaalad.
Da’ayarta waa 70%  Dadka Dalka waxaa khasaarada iyo burburka u horseeday siyaasado salka ku haya cunfi iyo ladhaqan xumo Deris. Waxaa bad-baadin kara siyaasado ka maran cunfi iyo abuuridda xiriiro wanaagsan ayadoo looga faa iideeyo khayraadka ay leeyihiin, oo ay u horaydo Badda dheer ee Alle ku mannaystay.


W/Q Cabdi Cali Mayrane