Wednesday, September 7, 2016

DALAGA DALKEENA IYO GARGAARKA BINU AADANNIMO XAAA ISKU BEEGA



Dalkeenu wuxuu leeyahay Dhul Beereed ku wanaagsan beerashada, 20% Dhul Beereedku waa Dhul leh Wabiyaal. Halka 80% dhulku yahay mid lugu waraabiyo Xareedda. Wadda mada Afrika waxaa ugu dhaqaala badan ama oo koboc sameeya dhanka Dhaqaalaha ah waa Wadda mada sameeyay beerashada Dhulka.
Waxaan leenahay Wadanka ugu cara sansan Dunida, Dhulkeena Ciidiisa iyo Cimiladiisu waa kuwo aad ugu wanaagsan beerashada Dallagga nuucyadiisa kala duwan.
Waxaa noobaxa tiro nuucyo ah ee Dalagga kala duwan, halka laga yaabo wadda mada kale in halkii wadanba uu u baxo halnuuc  Dalag  ayna wanaagsan yihiin beerashadiiisa.

Beeraha Dalkeena


Nuucyada Dalaga noobaxa waxaa kamida, Galeey, Moos, Digir dhawr nuuc ah sida Salbuko, Digir caadiya, waxaa kaloo noobaxa Qare, Sisin, Canbe, Babbaay,Liinta nuucyadeeda kala duwan iyo in kabadan oo aanan hadda xusuusan.

dalaga dalkeena
dalga dalkeena



Malahan Dalku Dawlad wax nidaamisa ama samaysa qorshayn sax ah, hagaa jisana laganacsiga Ganacsiga Dunida inteeda kale, taas ayaana waxay horseeday inaa naan oga faa’iidayn khayraadka aan haysano Dunida in teeda kale.
Xiligii aan Dawladda ahayn waxbeerashada wuxuu ahaa wax kaliya ee Dhaqaalaha Dalku kutiirsanaa, waxaa lasamayn jiray Gabayo, Geeraaro iyo Guuroow guubaabo ah oo loosamayn jiray Beeratada Dalka.
Waxaan ka xusuustaa Muriqiina maala, Dhulka miro ku beera iyo qaar kaloobadan, hadda waxay isku rogtay wax walbaa dhanka kale, waxayba u egtahay xaaladdu lug iyo labo ka go’a.

galeey madoobaad ah oo gargaar lugu sheegay





Dalka waxaa laga beerto waxaa ubadan oo Dadku beertaan si’aadda Galeeday, waxay leedahay xili ay si aad ah u soo go’odo, Beeriddeeda waxaa laga maraa dhibaabto aad u farabadan maadaama uu san Dallku haysan Dawlad midaysa awoodda Bulshada ama Tiknoolajiyadda casirgaa ee Awoodda kordhisa Waqtigana Barakaysa, Beeraha waxaa lugu beeraa in badan Gacanta Dad Binu aadam ah oo aad u tabardaran, Dadkaas way dayacan yihiine Alle ha’u kaalmeeyo.
beereey

Markii Dalagaas ay sida dhibta badan ku beereen soo go’o oo ay xoogoodii iyo xeeladdoodii ku haqabtirmi lahaayeen, waxaaa daad laga soo dhigaa nuucii dalag ee ay beereen sida waliba aad ka u dhibka badan ay ubeereen, halkaas waxaa ku qiima beela Dalaggii Naftood hurayaashu beereen, waxaa ku niya jaba Naftood hurayaashii, waxaa halbacaad lugu lisay noqda Xoogoodii, waxaa dhulka aada dhaqaalihii Dalka ee bilmilahaa Haddii aan lakeeni lahayn Galeeyda dhacday.
Waxaase layaab ah maan annaku fahanno oo u hiilino qiimaheena qiimaha Dalkeen, Dadkeena iyo Dhaqaalihiisaba oo diinno Galeeydaan madoobaadkaa oo lugu cuuryaaminayo Dhaqaalaheena, iyo wax soo saarka Dalkeena.
 



W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla

Sunday, August 28, 2016

MASAAJIDDU ISKUMA DUWNA



magaaladda Muqdisho Masaajiddu janbi-yaday is ku hayaan, Alle ayaa ku mahad san maahan wax aan ku gaarnay awood teen ah.
maanta waxaa igu dhacay Cassirkii aan ka soo booday Hurdo aan cabaar ku jiray, anoo  niyadda ku haya inaan daahsanahay, sidaas darteedna ay tahay inaan, u dhaqsado jameecadda, shaatiga sifiican u ma aanan xiran, oo kiyaalaan gacanta ku sii qab saday. banaanka markaan is taagay weesadiina aan bilaabay, wadaad Duca qabaa Ajarbadan alle hasiiyee ayaa #Addin ku dhiftay, waxaa ii soo baxday wixii aan niyadda ku hayay wax ka duwan oo ah, in aanan daahsanayn oo aan waqti kaan filayay ka badan aan haysto. qalabkii aan kursi saarto, hawl aanan markii hore qorsha iigu jirin aan galo, markii taladu gacan tayda ka baxday oo aan taaganahay meel  laga dhaqsan karin, Masjidkaan aadi lahaa halaga #Aqimo.
haddaanan Adinka wadaad ka maqli layn Faaja-faajood magaleen, #Jameecaduna ima dhaafteen sida ku tala gal kaygu ahaa tii Alle waagooniye. markaan Masjidkii iridda ka galay Ayaala #salaamo_naqsaday, salaadii kaligaa tuko ahaa, waxaanse ka xiran waayay xusuusta wadaadkii #Adinka iiyeershay.
waddamada Muslimiintaa oo uu san Dalkaygu ku jirin, marqura ayaala #adimaa_laaqimaa_lanasuxuurtaa.
in waddaad kastaa markuu hurdada ka kaco masjidkuu furuhiisa hayo horay u sooqaato, wixii burburku sababay aan ku darno.
Masaajiddu waxay u adeegayaan hal Dad(muslim) hal Hadaf, lama dhihin cid walbaa markay rabto ha tukato, ee waxaa layiri waxaa loogu jecayl badan yahay alle agtiisa(SWT) Salaad waqtigeeda socota, hadana maanan arkin masuuliyiinta labo Masaa jid oo ka xaajoo naya waqti salaadeed keenna aan midayno. arin taani waxay i xusuusisay xadiis Nabiga NNKH laga wariyay ee nalaku amrayay in Sedexdii is raacdaaba ay samaystaan, maamul, iyo muhiimadda Dawlad nimo.
Mar waxaan is iri Ummadda Soomaaliyeed waa hubaal inay is ku dan yihiine, side looga gadi karaa waqti intee la’eg ayaysa qaadan doontaa in laga gado inay  is ku danyihiin
Aduun ka aan maanta googno Dalka tusaale loosoo qaato markii qof ku waydiisto Dal Dadkiisu 100% Muslim yihiin waa Dalkayga Soomaaliyeed, Aduunka aan maanto joogno waxaa Dlala badan Dadkoodu ku  ducaystaan in sida Soomaaliyoo kale 100% muslim alle ka dhigo, waxaa loo baahan yahay in aan muujino masawir wanaagsan waayo Dad ayaan u nahay ku dayasho, is khilaaf ka xad dhaafkaana aan maarayno.
Aan ducaysanno in u muu raha Alle sahlo, quluubteenana ay isku dhawaa daan.