Dalkeenu wuxuu leeyahay Dhul Beereed ku wanaagsan
beerashada, 20% Dhul Beereedku waa Dhul leh Wabiyaal. Halka 80% dhulku yahay
mid lugu waraabiyo Xareedda. Wadda mada Afrika waxaa ugu dhaqaala badan ama oo
koboc sameeya dhanka Dhaqaalaha ah waa Wadda mada sameeyay beerashada Dhulka.
Waxaan leenahay Wadanka ugu cara sansan Dunida, Dhulkeena
Ciidiisa iyo Cimiladiisu waa kuwo aad ugu wanaagsan beerashada Dallagga
nuucyadiisa kala duwan.
Waxaa noobaxa tiro nuucyo ah ee Dalagga kala duwan, halka
laga yaabo wadda mada kale in halkii wadanba uu u baxo halnuuc Dalag
ayna wanaagsan yihiin beerashadiiisa.
![]() |
| Beeraha Dalkeena |
Nuucyada Dalaga noobaxa waxaa kamida, Galeey, Moos, Digir
dhawr nuuc ah sida Salbuko, Digir caadiya, waxaa kaloo noobaxa Qare, Sisin,
Canbe, Babbaay,Liinta nuucyadeeda kala duwan iyo in kabadan oo aanan hadda
xusuusan.
![]() |
| dalaga dalkeena |
![]() |
| dalga dalkeena |
Malahan Dalku Dawlad wax nidaamisa ama samaysa qorshayn sax
ah, hagaa jisana laganacsiga Ganacsiga Dunida inteeda kale, taas ayaana waxay
horseeday inaa naan oga faa’iidayn khayraadka aan haysano Dunida in teeda kale.
Xiligii aan Dawladda ahayn waxbeerashada wuxuu ahaa wax
kaliya ee Dhaqaalaha Dalku kutiirsanaa, waxaa lasamayn jiray Gabayo, Geeraaro
iyo Guuroow guubaabo ah oo loosamayn jiray Beeratada Dalka.
Waxaan ka xusuustaa Muriqiina maala, Dhulka miro ku beera
iyo qaar kaloobadan, hadda waxay isku rogtay wax walbaa dhanka kale, waxayba u
egtahay xaaladdu lug iyo labo ka go’a.
![]() |
| galeey madoobaad ah oo gargaar lugu sheegay |
Dalka waxaa laga beerto waxaa ubadan oo Dadku beertaan
si’aadda Galeeday, waxay leedahay xili ay si aad ah u soo go’odo, Beeriddeeda
waxaa laga maraa dhibaabto aad u farabadan maadaama uu san Dallku haysan Dawlad
midaysa awoodda Bulshada ama Tiknoolajiyadda casirgaa ee Awoodda kordhisa
Waqtigana Barakaysa, Beeraha waxaa lugu beeraa in badan Gacanta Dad Binu aadam
ah oo aad u tabardaran, Dadkaas way dayacan yihiine Alle ha’u kaalmeeyo.
![]() |
| beereey |
Markii Dalagaas ay sida dhibta badan ku beereen soo go’o oo
ay xoogoodii iyo xeeladdoodii ku haqabtirmi lahaayeen, waxaaa daad laga soo
dhigaa nuucii dalag ee ay beereen sida waliba aad ka u dhibka badan ay
ubeereen, halkaas waxaa ku qiima beela Dalaggii Naftood hurayaashu beereen,
waxaa ku niya jaba Naftood hurayaashii, waxaa halbacaad lugu lisay noqda
Xoogoodii, waxaa dhulka aada dhaqaalihii Dalka ee bilmilahaa Haddii aan lakeeni
lahayn Galeeyda dhacday.
Waxaase layaab ah maan annaku fahanno oo u hiilino
qiimaheena qiimaha Dalkeen, Dadkeena iyo Dhaqaalihiisaba oo diinno Galeeydaan
madoobaadkaa oo lugu cuuryaaminayo Dhaqaalaheena, iyo wax soo saarka Dalkeena.
W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla





No comments:
Post a Comment