Friday, January 22, 2016



 Muqdisho inta badan waxaa ka dhaca. shilal ay ka mid yihiin Baabuur isku dhacda. Dab kaca. ama in Qofka xabadi ku dhacdo. intaba alle hanaga hayee.
burburkii Soomaaliya waxuu saameeyay meelo badan. Dhisma yaasha kaliya maahan waxaa xitaa dumay quluubta Bulshada. Wuxuuna u ekaysiiyay Bulshadii Soomaaliyeed. Kuwo aan diirin.
Haddii qof shil agtaada ku galo. waxaa muqadas ah. inaad caawin to. haddii Muslimiin layahayna ku maba siijirto. caawinaadda waxaan kala jeedaa in qof  ka loo qayla dhaandiro, Isbitaal lageeyo. in haddii uusan tabar lahayn tabar lasiiyo sida haddiiba Darbi, Gaari, ama wax kale ku fadhiyaan laga kiciyo. haddii wax ka dayacmaan sida Taleefan IWLM. Looxafido. amaba haddii xabadi ku dhacday, si degdeg ah Dhiig joojin loogeeyo. waxaa lagayaabaa inuu Amabalaas ubaahan yahay loowoco. waa wax yaabahaas waxay bad baado unoqon karaan Nafta qof  Binu aadam ah. 
is caawintu waa qaabab ka Bulsho ku gaarto isku duubnida iyo midawga aad maqasheen Soomaaliyeen lahadlayaa.
Dad ka dhibtu waxay usoo gaartaa qaabab kala duwan waxaa ka mida Gaadiid, isku dhaca Xabbad, Dab meel ka kaca, iyo IWLM,  Dhibab kaan  aan horay usoo sheegay aan kala qaado.  mid cidi isuguma timaad caawinaaddiisa. midna sicaga jiida ayaad ku heli caawinaad. midna waalagaa caawin si hagar la’aaneed, markii Xamar lajoogo ayaan ka hadlayaa.

caawinaadda hagar la'aaneed.
haddii Dab uu kaco waxaa laysu caawiyaa si degdeg ah.wuxuuna helaa ciddii ay ku timaad. waxaa caawinaya inta samaha jecel oolugu daray dariska oo ka baqanaya in dhibtu oo gaarto. dhamaantood oo wadi jira waxay niyada ku hayan in uusan Dabku waxba hanbayn. waxay ku siiyaan daddaal intii karaan ah, oo lakari karo.
 

 laysugama yimaadaan ka
Midka aan laysugu imaan waa midka haddii xabdi kugu dhacdo alle hanaga duwee. waxaa lugula sugayaa Eheladaada muddo kasta haqaadato imaan sha hoodu. waa lagayaabaa haddii qaabtac shiirada ay udhac in ay arintu ka duwnaato sida aan sheegayo. lkn mabadna. waxaan meesha ka marayn in Bulshadu kala shaki ka dhexjiro.

caawinaadda caga jiidkaa
midka sida Caga jiidkaa luguu caawinayana aan ku tilmaamay. waa midka haddii 
shil Gaari kugu yimaad Alle hanaga hayyee. kaas waxaa keenaya insi caga jiida luguu caawiyo. waxaan isku aamin qabin bulshada waxaa madaxa lugu wada hayaa dhacdooyin horay loosoo maray. waxaa lagayaabaa in qofka wax caawinayay dib wax ugu soo laabtaan sida nugu raadi ciddii dhibta u gaysatay. waxbaa maqan ee maaragtay.
 
waxaa dhacda ayaduna in qofkii dhibtu isda aan kaska ahayn oga dhacday. go'aan qaldan qaato sida inuu ka cararo meesha. taasoo lagayaabo inay wax kale dhasho. inuu inkiro kama hadlayo ayada.

waxaa dhanka kale jira Tiro yar oo Dad ah. oo laga yaabo inay lugooyaan dhibanaha. sida inay boobaan.


gunaanad kii:
waxa kaliya oo aad ku fikirtaa. markaad aqrisato qorma daydaan. inaadan yaraysan dad daalka ku aadan. sidii aad caawinaad degdeg ah oga heli laheed eheladaada. taasoo ku imaan karta. inaad markasta. oo aad meel ubaxaysid in ay jirto cid kaa war qabta. halka aad ubaxaysid. si haddii umaqlo halkaas ayaa dhibi ka dhacday, durba dareen ugu dhasho. qof kaas, ah armay hebel/hebla wax gaareen.
isla markaa hddii xariir kaaga lawaayo waxaa lasoo adi karaa halkii wax ka dheceen iyo Isbitaal kii lageeyo Dadkii wax gaareen.